Arday isku dilay ismaamulka Taita Taveta

0
378

Waxaa lagu soo warramayaa inuu is dilay wiil arday ah oo dhigta dugsiga sare ee deegaanka Mwatate ee ismaamulka Taita Taveta.
Wiilka ardayga ah ee isdaldalay ayaa da’diisu lagu sheegay 17 sano jir.
Booliiska ayaa billaabay baaritaano ku aadan sababta kaliftay in ardayga uu iska takhaluso.
Maydka ardayga ayaa la geeyay isbitaalka Wesu ee ku yaalla degmada Wundanyi ee dowlad deegaanka Taita Taveta.