Seddax qof oo loo xiray kab lagu tuuray madaxweyne Ruto

0
267

Saddex qof ayaa xalay loo xiray kaddib markii kab lagu tuuray madaxweynaha dalka William Ruto, xilli uu dad badan kula hadlayay deegaanka Kuria ee ismaamulka Migori.
Muuqaalo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, ayaa lagu arkay madaxweyne Ruto oo iska difaacaya kab lagu soo tuuray xili uu gaari dushiisa kula hadlayay shacab badan .
Madaxweyne Ruto ayaa maanta wali sii wataa socdaalkiisa uu ku marayo Gobolka Nyanza gaar ahaana dowlad deegaanka Migori.
Booliska ayaa sheegay in ay ku daba jiraan tuhmanayaal kale oo ka dambeeyay falka lagula kacay madaxweynaha qaranka.
Baarlamaanka dalka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid halis galinaysa nolosha madaxweynaha dalka William Ruto.
Ma ahan markii ugu horaysay madaxweyne qaran lagu soo tuuro kab Bishi Diisembar ee sanadkii sanadkii 2008-dii, ayay ahayd markii saxaafi u dhashay dalka Masar uu kabihiisa ku tuuray madaxweynaha Mareykanka xiligaas, George W. Bush.