Garissa oo ka mid ah ismaamulada ay dhalinyarada sida weyn uga isticmaalaan daroogada

0
370

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa walaac ka muujisay isticmaalka maandooriyaha ee ku sii kordhaya dhalinyarada.
Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa tilmaamaysa in 11kii dhalinyaro ahba mid ka mid ah uu ka isticmaalo walxaha maanka dooriya.
Dhalinyarada aadka u adeegsataa daroogada ayaa da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 24 jir ..
Sidaa darteed, sahan la sameeyay intii u dhaxaysay bishii Noofambar ee sanadkii 2024 iyo Febraayo sanadkan 2025 10 dowlad deegaan ayaa loo aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu isticmaalka badan maandooriyaha.
Waxaana ka mid ah Garissa, Kakamega, Kericho, Kisumu, Laikipia, Machakos, Meru, Mombasa, Nakuru iyo Uasin Gishu.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in la doonayo isbaddel deg deg ah si wax looga qabto dhalinyarada isticmaashaa daroogada.
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dhawaan ay dalka oo dhan ka bilaabi doonaan olole lagu wacyigelinayo dadka Kenyaanka ah ee waxyeelada ay u geystaan isticmaalka maandooriyaha.