Maanta oo baaritaan lagu sameyn doona meydka xildhibaankii Kasipul ee ismaamulka Homa Bay

0
249

Waxaa maanta oo isniin ah la filaya in baaritaan lagu sameeyo meydka xildhibaankii dhawaan la dilay ee Charles Ongondo Were kaas oo laga soo doortay deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay.
Galinka dambe ee maanta ayaa warbixin laga soo saari doona sida loo dilay mudanahaas.
Dhankiisa Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu aynan marnaba ka gaabin doonin in laga sal gaaro dilkii maalmo ka hor loo gaystay Charles Ongondo Were oo ahaa xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay.
Ruto ayaa sheegay in qoyska uu mudanaha ka baxay ay cadaalad heli doonaan oo gacanta lagu soo dhigaya cid kasta oo falkaasi ka dambeysay.
Waxaa uu dadweynaha deegaanka Kasipul iyo si guud ismaamulka Homa Bay u ballan qaaday in ay si degdeg ah cadaalad u heli doonaan oo aan la iskaga hari doonin khaarijintii xildhibaanka.
Madaxweynaha ayaa caddeeyay in la abaabulay saraakiisha ammaanka si keliya aan loo soo qaban dadkii toogashada fuliyay balse cid kasta oo gacan ka gaysatay dilka mise qayb ka ahayd shirqoolka .
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad kaniiseed oo maanta lagu qabtay ismaamulka Migori.

Dilka xildhibaanka  ayaa dhaliyay hadal hayn  ballaaran iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga ODM ay ku hanjabeen in ay  soo afjari doonaan  taageeridda maamulka dowladeed ee la ballaariyay haddii aan laga sal gaarin  toogashadii  lagu bartilmaameedsaday Charles Ongondo Were.