Saddex qof oo loo xiray dhac laga gaystay bangiga Prime

0
525

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysanayaal oo loo haysto fal dhac ah oo laga gaystay bangiga Prime laantiisa ku taalla wadada Mombasa Road.
Tuhmanayaasha ayaa isugu jiro labo boolis iyo qof ka mid ah howlwadeenada bangiga.
Dhaca ayaa la soo tabiyay galinkii dambe ee shalay waxayna wararku sheegayaan inay ka dambeysay koox burcad oo 6 xubnood ka kooban.
Eedeysanayaasha ayaa hadda baaritaano dheeraad ah lagu sameynayaa si hadii lagu caddeeyo inay burcadda howshaas u fududeeyeen maxkamadda loo soo taago.
Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI Mr. George Kinoti ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaannada hor dhaca ah ay muujinayaan in eedeysanayaasha ay kaalin ku lahayeen falka xatooyada ee dhacay.
Ilaa iyo hadda ma cadda qiimaha lacagta ee bangiga Prime laantiisa wadada Mombasa Road laga dhacay.