Taliyaha ciidamada militariga Maraykanka ee Africa ee loo yaqaano AFRICOM, Stephen Townsend ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli khatar ku tahay xasiloonida dalka.
Arrinkan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu tagay ismaamulka Lamu oo uu sanad ka hor weerar ka dhacay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda Kenya laga doonayo inay sii laba jibaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Mas’uulkan ayaa xusay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada dhanka amniga ee ay u fidiso Kenya iyo si guud qaaradda.