Waxaa gor dhaweyd xilka madaxa cadaaladda ee wadanka loo dhaariyay garsoore Martha Koome.
Waxaa lagu dhaariyay aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State house.
Waxaa dhaarinteeda goobjoog ka ahaa madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara Kariuki iyo mas’uuliyiin kale.
Garsoore Koome ayaa noqotay haweeneydii dalka Kenya ugu horreysay ee waaxda cadaaladda hoggaamiso.
Waxay sidoo kale noqotay madaxii cadaaladda ee saddexaad tan iyo markii dastuurka cusub uu dhaqan galay 27-kii bishii sideedaad ee sanadkii 2010-kii.
Dhawaan ayay ahayd markii golaha baarlamaanka ee dalka uu ansaxiyay in haweeneydan ay buuxiso jagadii uu baneeyay David Maraga kadibna madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah u magacaabay.
24-ka bishan May ayaa lagu wadaa in waaxda garsoorka ay qabato xaflad ay Martha Koome ugu si rasmi ah ugu wareejinayaan maamulka.
Koome waxay leedahay 33 sano oo khibrad dhanka sharciga ah waxaa uuna guddiga adeegga garsoorka ee JSC ka soo xushay 10 qof oo la turxaan bixiyay.
Martha Koome oo horay u difaaci jirtay xuquuqul aadanaha ayaa waaxda garsoorka ee dalka ku biirtay sanadkii 2003-kii.