Kenya oo ka mid ah dalalka ay dhawaan kago’i doonto daawada HIV-ga

0
132

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shalay sheegay in go’aanka maamulka Trump ee ah in la hakiyo gargaarka dibadda ee Mareykanka ay “si weyn u carqaladeeyn doonto” daawaynta HIV-ga ee siddeed waddan, kuwaas oo dhawaan laga yaabo inay ka dhammaan karaan daawooyinkan HIV-ga.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in Haiti, Kenya, Lesotho, Suudaanta Koonfureed, Burkina Faso, Mali, Nigeria iyo Ukraine ay dhamayn doonaan sahaydooda daawaynta HIV-ga bilaha soo socda.
Dadaalada lagula tacaalayo HIV-ga, dabaysha, duumada iyo qaaxada ayaa waxaa saameeyay hakadkii gargaarka dibadda ee Mareykanka ee uu hirgeliyay madaxweyne Donald Trump wax yar ka dib markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee sanadkan.
Isku xirka Jadeecada Caalamiga ah iyo Shabakadda Shaybaadhka Jadeecada ee WHO, oo leh in ka badan 700 oo goobood oo adduunka ah, ayaa sidoo kale wajahaya xiritaan mar dhowwaa sida ay hay’adda hadalka u dhigtay. Tani ayaa ku soo beegantay xilli uu cudurka jadeecada dib ugu soo laabatay dalka Mareykanka.