Dabaal degyo ka socda Qaza ka dib xabbad joojintii dhaqan gashay

0
567

Waxaa dalka Falastiin gaar ahaan marinka Qaza ka socda dabaal deg ay sameynayaan kumanaan ka mid ah ah shacabka Falastiin.
Waxaa ay u dabaal deggayaan heshiiska xabbad joojinta ee la dhax dhigay Israa’iil iyo sidoo kale dhanka Falastiin ee kooxda Xamaas.
Arriintan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay waddamada kala duwan ee caalamka, iyada oo hormuud ka ahayd dowladda Masar oo dhex-dhexaadisay.
Xabbad joojinta ayaa dhaqan gashay saacadihii hore ee saaka, ka dib 11 cisho oo Israa’iil halkaasi duqeymo ka waday.
Bayaan uu gelinkii dambe ee shalay soo saaray ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayuu ku sheegay in golaha wasiirada ee dalkaasi ay si aqlabiyad leh u soo dhaweeyeen soo jeedinta ka timid dowladda Masar oo ah in iyadoo wax shardi la isku xireenin in xabbad joojin lagu dhaqaaqo.
Dhanka kale kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islaamic Jihaad ayaa ka dib bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyeen xabbad joojinta.
Duqeymaha Israa’iil ee Qaza ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo hadda 232 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 65 carruur ah,
Waxaa ayna horseedday burbur baahsan oo dhanka dhismaha iyo dhulka.
Dhinaca Israa’iil, waxaa ka dhintay 12 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah.