Lix qof ayaa ku dhintay magaalada Nairobi kadib roobab xooggan oo ka da’ay caasimadda dalka.
Saddex ka mid ah waxaa ay ahaayeen hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay.
Dadkan ayaa waxaa ku soo dumay dhagax xili ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaala xaafada Mathare .
Dad kale ayaa ku dhaawacmay dhacdadaan.
Dadka dhintay ayaa sheegay in xiligii uu dhagaxa ku soo dumayay ay hurdayeen.
Maamulka deegaanka ayaa bilaabay in ay ka saaraan dadka kale ee degan guryaha kuwaas oo halis ugu jira in ay saameyn ku yeeshaan daadad ama ay ku soo dhacaan dhagxaanta u dhow.