Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in dhawaan ay Israa’iil barakicisay qiyaastii 500,000 oo qof oo ku noolaa Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Dhibaatadan ayaa la diiwaangeliyay laga soo billaabo 18-kii bishii Saddexaad ee sanadkan xilligaasi oo ay Israa’iil iyo Xamaas wada saxiixdeen heshiis xabbad joojin ah.
Waxay tani imaanaysa iyadoo ilo wareedyo caafimaad ay warbaahinta caalamiga ee Aljazeera u sheegeen in shalay Qaza lagu dilay in ka badan 35 ruux.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duullaanka militari ee Israa’iil ay ku nafwaayeen ugu yaraan 51,025 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 116,432 kale.