Ruushka ayaa gantaalo iyo duqeymo diyaaradeed ku garaacay Ukraine, xilli ay dhamaatay mudadii gaabneed ee xabad joojinta. Inta lagu guda jiray fasax maalmaha Easter-ka
Ciidamada Ruushka ayaa 96 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo saddex gantaal ku garaacay bariga iyo koonfurta Ukraine habeenimadii xalay, ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay Isniinta maanta ah.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarka Ruushka uu ku qaadey gudaha Ukraine, inkastoo saraakiisha ku sugan magaalada dekedda leh ee Mykolaiv ay xaqiijiyeen in gantaallo lagu garaacay.
Si kastaba ahaate Maraykanka ayaa wali la tacaalaya sidii uu Moscow uga dhaadhicin lahaa inay ku heshiiyaan xabbad joojin waqti dheer ah.