Shan qof oo ku dhintay qarax ka dhacay dalka Lubnaan

0
90

Shan qof ayaa ku dhintay wadada weyn ee Qsaybeh –Braikeh ee koonfurta Lubnaan ka dib markii uu qarax ka dhashay rasaas lagu soo daabulay gaari ciidan.
Sarkaal iyo labo askari ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxa gaariga ay la socdeen ciidamada oo ka soo haray dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay koonfurta Lubnaan.
Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay hooyo iyo cunug ay dhashay oo saarnaa gaari goobta ka agdhawaa halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.
Taliska Ciidanka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Israa’iil ay duqaymo la beegsatay deegaanka Jal Shihab oo ku yaalla inta u dhaxaysa magaalooyinka Arnoun, Kfar Tibnit iyo Yahmar Al-Shaqif.