Martha Koome oo maanta loo dhaarinaya xilka madaxa cadaaladda ee dalka

0
417

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta xilka madaxa cadaaladda ee wadanka loo dhaariyo garsoore Martha Koome.
Dhawaan ayay ahayd markii golaha baarlamaanka ee dalka uu ansaxiyay in haweeneydan ay buuxiso jagadii uu baneeyay David Maraga kadibna madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah u magacaabay.
Waxaa ay mudanayaasha tixgeliyeen warbixin uu soo gudbiyay guddiga baarlamaanka ee arrimaha sharciga iyo cadaaladda ka dib turxaan bixin toddobaadkii hore lagu sameeyay xaakinka oo loo soo xushay in ay noqoto madaxa cadaaladda ee dalka.
War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda garsoorka ayaa lagu sheegay in Martha Koome ka dib marka la dhaariyo ay la wareegi doonto xafiiska oo ku yaalla gudaha maxkamada sare ee dalka.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweyn doono xubnaha waaxda adeegga garsoorka ee JSC, ku xigeenka madaxa cadaaladda Philomena Mwilu, madaxa diiwaan gelinta ee waaxda cadaaladda Anne Amadi, garsoorayaasha maxkamadda sare iyo mas’uuliyiin kale.
24-ka bishan May ayaa lagu wadaa in waaxda garsoorka ay qabato xaflad ay Martha Koome ugu si rasmi ah ugu wareejinayaan maamulka.
Garsoore Koome ayaa noqonaysa haweeneydii dalka Kenya ugu horreysay ee waaxda cadaaladda hoggaamiso.
Waxay sidoo kale noqnaysaa madaxii cadaaladda ee seddaxaad tan iyo markii dastuurka cusub uu dhaqan galay 27-kii bishii sideedaad ee sanadkii 2010-kii.
Koome waxay leedahay 33 sano oo khibrad dhanka sharciga ah waxaa uuna guddiga adeegga garsoorka ee JSC ka soo xushay 10 qof oo la turxaan bixiyay.
Martha Koome oo horay u difaaci jirtay xuquuqul aadanaha ayaa waaxda garsoorka ee dalka ku biirtay sanadkii 2003-kii.