Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay gargaar baniaadanimo gaarsiin doonto shacabka ku dhibaataysan marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waxay sidoo kale sheegtay in ay caawimaad u fidin doonto dadka ku dhaawacmay duqeymaha Israa’iil ay waday tan iyo 10-kii bishan.
Afhayeenka waaxda iskaashiga horumarka caalamiga ee Shiinaha ee (CIDCA) Tian Lin ayaa dhanka kale sheegay in ay hooy siin doonaan barakacayaasha Qaza.
Ilaa iyo hadda duqeymaha Israa’iil waxaa lagu dilay ugu yaraan 232 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 65 carruur ah.