Taliyaha saldhigga booliska Garissa oo la xiray 10 cisho

0
670

Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Garissa Michael Munyalo Wambua ayaa shalay lagu xukumay inuu xabsiga ku jiro muddo 10 cisho ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay in habeenimadii ay Sabtida soo galaysay uu dilay qof lagu magacaabo Morris Kimathi.
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa maxkamadda ka codsaday in eedeysanaha xabsiga lagu hayo 14 cisho.
Qareenkiisa ayaa dhanka kale maxkamadda weydiistay in eedeysanaha ay ku siidayso damiin lacageed maadaama sarkaalkan uu ciidamada booliska ka tirsanaa muddo 37 sano ah.
Hasa ahaate xaakinka maxkamadda Garissa Timothy Ole Tanju ayaan tixgelin codsiga la xiriira damaanadda waxaa uuna sidoo kale yareeyay muddada waaxda dacwad soo oogidda ay doonaysay in taliyaha uu xabsiga ku jiro.