Booliska dalka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay nin lagu eedeeyay in uu qoorta ka gooyay caruurtiisa oo ay da’doodu u dhaxaysay 2 ilaa iyo 7 jir .
Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Tach Asis ee degmada Konoin ee ismaamulka Bomet.
Dadka deegaanka ayaa dhacdadaan ka hadlay.
Laamaha ammaanka ayaa eedeysanahaasi baaritaan ku haya ,waxaana la filaya in Maxkmadda la soo taago usbuuca nagu soo aadan.