Dib u habeyn la doonayo in lagu sameeyo ciidamada Booliska dalka kenya

0
246

Dawladda dhexe ee dalka waxay dib u xaqiijisey sida ay uga go’an tahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo booliiska taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga qaranka iyo soo celinta kalsoonida shacabku ku qabaan sharci fulinta.
Xoghayaha arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in dib u habeyntu ay udub dhexaad u tahay qorshaha is bedelka ballaaran ee dowladda ee looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo xuquuqda iyo xoriyaadka dhammaan dadka Kenyaanka ah, kuwaas oo uu xusay in ay lagama maarmaan u yihiin horumar waara oo qaran.
Isagoo ka hadlayay furitaanka rasmiga ah ee saldhigga booliska Kasagam ee dhawaan laga dhisay Kisumu, Dr. Omollo ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay horay u fulisay 50 boqolkiiba talooyinka la soo jeediyay.
Wuxuu ku ammaanay saraakiisha booliska ee dalka oo dhan dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ugu jiraan sugidda nabadda iyo amniga, isagoo tusaale u soo qaatay hoos u dhaca amni-darrada oo ay ka mid tahay hoos u dhac weyn oo ku yimid falalkii burcadnimada.