Iran iyo Mareykanka oo maanta wadahadal yeelanaya

0
304

Wufuud ka kala socota Maraykanka iyo Iran ayaa lagu wadaa in ay maanta gelinka dambe wada hadallo ku yeeshaan dalka Cumaan, taas oo qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee Washington iyo Israa’iil ay ku doonayaan in ay ku hakiyaan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehraan ee xawliga ku socda.
Tan ayaa timid ka dib hanjabaado Iran uga yimid dhanka Mareykanka.
Iran ayaa sheegtay in xal dublamaasiyadeed ay diyaar u tahay in lagu xaliyo Barnaamijka Nukliyeerka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Aragchi ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo wafdiga Iran, halka wadahadalka uu dhanka Mareykanka u hogaamin doono ergayga Bariga Dhexe ee Trump, Steve Witkoff.