Shaqaalaha caymiska caafimaadka caalamiga oo bannaanbax ka sameeyay barlamaanka

0
150

Shaqaalaha caymiska caafimaadka caalamiga ah ee (UHC) ayaa bannaanbax ka sameeyay bannaanka hore ee barlamaanka dalka iyaga oo ka dalbaday in aqalka Senate-ka uu soo farageliyo arrintan soo jiitamaysay in ka badan 2 toddobaad.
Tani ayaa ah markii labaad ee toddobaadkan ay soo galaan barlamaanka iyaga oo dalbanaayo in wax laga qabto cabashooyinkooda.
Waxaa ay wacad ku mareen in aysan ku soo laaban doonin shaqada ilaa ay labada dowladood ee heer qaran iyo kuwa maamul goboleedyadu ay tallaabo ka qaadaan.
Shaqaalaha UHC-da ayaa sidoo kale cambaareeyeen xildhibaanada in ay ka gaabiyeen in ay u qoondeeyaan dhaqaale ay ku helaan shaqooyiin joogtada ah.
Shaqo joojinta oo soo socotay tan iyo bishii hore ee Febraayo ayaa shaqaalaha UHC ay ku dalbanayaan iswaafajinta mushaharka iyadoo la raacayo tilmaamaha Guddiga Mushaaraadka iyo Gunnada (SRC).
Senetarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale iyo dhigiisa Marsabit Mohamed Said Chute ayaa guddoomay codsiga, iyaga oo wacad ku maray in ay u ololeyn doonaan qadiyadda shaqaalaha isla markaana ay si degdeg ah u gaari doonaan go’aan adag.