Marwada Koobaad ee Qaranka Soomaaliya oo kulan la qaadatay Haweenka Gobolka Banaadir

0
305

Marwada Koowaad ee Dalka Soomaaliya Marwo Saynab Cabdi Macallim oo kulan casho sharaf ah la qaadatay Guddoomiyeyaasha Ururrada Haweenka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir waxayna kala hadashay xoojinta doorka ay Haweenku ku leeyihiin dowladnimada, dardar-gelinta adeegyada aas-aasiga ah ee hooyada iyo dhallaanka, dib u heshiisiinta iyo xoojinta midnimada Umada Soomaaliyeed.
Marwada koowaad ee Qaranka ayaa xustay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, iyagoo mar walba hormuud u ah ka shaqaynta danta guud, is-xilqaanka, wacyigelinta bulshada iyo tabantaabada danyarta Soomaaliyeed
Marwo Saynab Cabdi Macallim oo ku ammaantay Haweenka Soomaaliyeed doorkooda wanaagsan ee ay ka qaataan u adeegidda Qaranka ayaa Haweenka ku boorrisay inay ka qayb galaan siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ah Haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo uga mahad celiyey Marwada Koowaad casuumadda ay u fidisay, iyagoo la wadaagay talooyin ku aaddan horumarinta haweenka Soomaaliyed iyo guud ahaan Dalka.