Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xalay booqday ciidamada ku dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah argagixisada

0
113

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.
Waxaa dhaawacyada lagu daaweynayaa Isbitaallada xoogga dalka iyo Erdogan (Ex Digfeer).
Ra’iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, qaar kamid ah ciidamada difaaca Qaranka ee dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad.
Waxaa uu Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray, wuxuuna ku dhiirrigeliyay adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka .
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya dalkooda, si ay uga u ciribtiraan kooxaha amniga liddiga ku ah.