DHAGEYSO:Wasaarada Difaaca Soomaaliya oo dib u habayn ku Samaynaysa Ciidanka Badda

0
529

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Dowlada Fedraalka Soomaaliya oo uu wehliyo taliyaha ciidanka badda Soomaaliya Ayaa kulan looga hadlayay dardar galinta howlaha ciidanka badda la qaatay wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo gaadiidka Badda.
Wasiirka Wasaarada Difaaca Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay wadaan dadaalka dib loogu Habaynayo Ciidanka Badda Soomaaliya si ay u noqdaan kuwo Biyah Soomaaliya Difaaci kara oo ay Agabyadoodu u dhamaystiran yihiin.

Taliyaha Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya General Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta wuxuuna isana faahfaahin ka Bixiyay waxyaabihii ay laga hadleen Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Bada.