Meydka haweeney shalay la waayay oo ceel laga dhex helay

0
428

Ciidamad booliiska ee galbeedka ismaamulka Kisumu ayaa baaraya dhacdo la yaab leh oo meydka haweeney 30 sano jir ah oo laga helay ceel u dhow xeebta Rota.
Sida laga soo xigtay dadka deegaanka haweeneydan oo ka shaqeysan jirtay goob xannaano oo lagu koriyo kalluunka ayaa la waayay Talaadadii shalay ehed.
Waxaa meydka haweneyda ka muuqday calaamado muujinaya dhaawacyo ceejis ah oo qoorta kaga yaalay.
Polycarp Omindo oo ah guddoomiye xaafadeedka degmada Koonfur Galbeed ee Kisumu ayaa xaqiijiyay dhacdada, isagoo sheegay in saraakiisha DCI-da ay horay u qaadeen meydka si ay u bilaabaan baaritaano la xiriira dhacdada.