Dowladda hoose ee ismaamulka Nakuru ayaa ka soo hadashay warbixin ay dhawaan soo saartay hanti dhowrka guud ee qaranka Nancy Gathungu taasi oo banaanka soo dhigtay sida dawooyinka dhacay iyo agabka caafimaad ee dhan 2 milyan oo shillin laga helay dukaamada ku yaal isbitaalka heerka 5-aad ee Nakuru.
Sida uu sheegay Hanti dhowraha guud, agabkan caafimaad ayaa loogu talagalay bukaannada qaba cuduradda HIV-ga iyo Qaaxada.
Warbihintan naxdinta leh ayaa kor u qaadday welwelka laga qabo badbaadada bukaannada waxaa ayna wiiqday kalsoonida dadwaynaha ee machadka, oo u adeega ugu yaraan 6 gobol oo deris la ah Nakuru.
Hadal qoraal ah oo ay soo saartay wasiirka caafimaadka ee ismaamulka Nakuru Roselyn Mungai ayaa lagu macneeyay in dawooyiinka loogu deeqay labo qeybood.
Marka la eego qaybta ugu horreysa ee dawooyinka oo ay ku deeqday lammaanaha horumarinta, dhicitaanku ayaa waxaa sababay isbeddel ku yimid hab-raaca isticmaalaha.
Qaybta labaad ee dawooyinka oo ahaa deeq la diiwaangeliyay oo ka timid maamulka KEMSA oo ah dawooyinka waqtigoodu yar yahay ayaa loogu talagalay tas-hiilaadka mugga sare leh.
Roselyn Mungai ayaa dib u xaqiijisay muhiimada ay leedahay in Hanti-dhawraha Guud uu waydiiyo jawaab ka hor inta uusan gudbin warbixintan.
Warbixintii hanti-dhowrka guud ee ka hadlaysay sanad maaliyeedka 2023/2024 ayaa daaha ka qaaday sida maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ay u isticmaaleen hantida dadweynaha.
Home Wararka Kenya Barasaabka Nakuru Susan Kihika oo jawaab ka bixisay warbixintii hanti dhowrka guud...