8 ruux oo ku dhaawacantay dagaal ka dhacay ismaamulka Kisii

0
206

8 qof ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ah uu dhaawaciisa culus yahay kadib iska horimaadyo ka soo cusboonaaday xuduudka Transmara ee galbeedka Bomachoge Borabu ee ismaamulka Kisii.
Iska horimaadkan ayaa loo aaneeyay xatooyada lo’da.
Dagaalkan oo muddo soo jiitamayay, isla markaana ka dhashay muran xoolo oo soo noq-noqday, ayaa isu beddelay gacan-ka-hadal, kaddib markii kooxaha iska soo horjeeda ay ku dagaallameen qaanso iyo falaar. Iyadoo arrintan laga jawaabayo ayaa hay’adaha amniga shalay isugu yeereen kulan degdeg ah oo ay la yeesheen wakiillo ka kala socday labada dhinac, si loo soo celiyo nabadda.
Waxaa goobta uu dagaalka ka dhacay iyo guud ahaan xuduuda ee Kisii iyo Transmara la geeyay saraakiisha unuga adeegga guud ee GSU-da si loo sugo amniga.
Dadka deegaanka oo niyad jabsan ayaa dalbanaya in xal waara laga gaaro colaada soo noqnoqotay ee dhaca xoolaha.