Guddiga adeegga garsoorka ee (JSC) ayaa hakiyay geeddisocodka dacwado laga gudbiyay madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome iyo xaakinnada kale ee maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court.
Ku xigeenka guddoomiyaha JSC ,Isaac Ruto ayaa arrintan u aaneeyay in ay jiraan amarro maxkamadeed oo guddiga looga hor istaagay inuu sii wado dacwadahan.
Waxaa uu sheegay in kastoo dhawaan loo soo bandhigay in xilalka laga qaado 7-da garsoorayaal haddana in maxkamadda ay tageen ilaa 8 koox oo taasi ka soo horjeeda.
Waxaa kiisaskan gudbiyay qareenno uu ka mid yahay madaxii hore ee ururka garyaqaannada dalka ee LSK Nelson Havi oo Martha Koome iyo garsoorayaasha kale ku eedeyay in aynan gudan waajibaadkooda shaqo.