Maxkamadda sare oo diidday inay meesha ka saarto xannibaadda hannaanka maalgelinta jaamacadaha

0
1017

Maxkamadda sare ee dalka ayaa diidday in ay meesha ka saarto xannibaad horay loo saaray nidaamka maalgelinta jaamacadaha dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladdu ay gudbisay dacwad ay go’aankaasi uga soo horjeeddo iyadoo ku tilmaantay mid aan cadaalad ahayn oo dastuurka baal marsan.
Garsoore Chacha Mwita ayaa sheegay in cadaaladda ay jirto dhanka ka soo horjeeda hannaankan.
Waxaa uu caddeeyay in danta guud la haleelo marka labada dhinacba ay u hoggaansamaan xeerarka waddanka u degsan.
Mwita ayaa xusay in haddii la oggolaado amarkii lagu hakiyay nidaamkan, in hannaankan uu sii soconaya in kastoo la go’aamiyay inuu sharci darro yahay.
Waxaa taasi ka soo horjeestay guddiga bixiya amaahda lacageed ee jaamacadaha ee HELB.
Hasa ahaate garsoore Chacha Mwita ayaa tilmaamay in nidaamkan uu dastuurka baal marsan yahay maadaama laga dheehan karo takoor sidoo kalena uunan dhameystirin shuruudaha sida ka qayb gelinta dadweynaha si ay aragtidooda uga dhiibtaan.