Madaxweynaha dalka oo la kulmay ku xigeenka xoghayaha guud ee QM

0
1021

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta ismaamulka Mombasa kula kulmay Amina Maxamad oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay.
Waxay ka wada hadleen nabad galyada iyo xasilloonida gobolka iyo si guud caalamka.
Ruto iyo Amina ayaa wada hadallada diiradda ku saaray xasaradaha ka taagan waddanka Suudaan.
Madaxweynaha ayaa qoraal ku sheegay in wada hadallada uu la yeeshay ku xigeenka xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa lagu eegay sida loogu baahan yahay wada macaamil dibloomaasiyadeed oo lagu xallinaya colaadda Suudaan sidoo kalena looga hor tagaya in xaaladda baniaadannimo ay sii xumaato.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa muujiyay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay nabad galyada iyo amniga caalamka.
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya ay xiriir adag oo wanaagsan la leedahay qaramada midoobay.
Waxaa uu tilmaamay in ay sidoo kale diiradda saaraan xaaladda amni darro ee ka taagan jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee (DRC) iyo horumarrada la sameeyay ee geeddisocodyada nabadeed ee ay si wadajir ah u wadaan jaaliyadda bariga Afrika ee (EAC) iyo Jaaliyadda horumarineed ee dalalka dhaca Koonfurta qaaradda Afrika ee (SADC).
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka amni ee dalka Haiti ee (MSS) oo ay taageeraysa qaramada midoobay.