Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay inuu kooxaha kala dhexdhexaadinaya iyaga iyo Israa’iil kula heshiiyay in la soo siidaayo 620 maxaabiis ah oo u dhashay Falastiin.
Toddobaadkii hore ayaa lagu waday in Israa’iil ay siidayso maxaabiistan.
Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa dhanka kale Israa’iil ugu baaqay in ay oggolaato in teendhooyin iyo hooy ku meel gaar oo dheeraad ah la geeyo Marinka Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii 6 carruur oo Falastiiniyiin ah ay halkaasi ugu geeriyoodeen qabow saaid ah oo jira.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xustay in duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza ay ku dhinteen 48,348 qof oo Falastiiniyiin ah halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 111,761 kale.