Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu dilay weeraro habeen hore ka dhacay gobolka bari ee Ukraine.
Waaxda Adeegga gurmadka degdega ah ee Ukraine ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Ruushku ay habeenimadii jimcaha duqeeyeen magaalada Dobropillia ee bariga Donetsk, halkaas oo ay ku dileen 11 qof 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Adeega Gurmadka deg dega ah ayaa intaa ku daray in ay waxyeelo soo gaartay 8 guri oo ka kooban shan dabaq, dhismo maamulka iyo 30 baabuur.
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaarad Drone ah oo Ruushku leeyahay ay weerar ku qaadeen dhismo ay dad rayid ah degenaayeen oo ku yaalla magaalada Bogodukhiv ee magaalada Kharkiv ee bariga dalka Ukraine, sida uu Telegram ku soo qoray barasaabka magaalada Kharkiv, Oleh Synehubov.