Martha Karua oo horay u soo noqotay wasiiraddii cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee dalka ayaa shaacisay in ay 27-ka bishan Labaad oo berri ku beegan ay soo bandhigi doonto xisbi cusub.
Waxay hoosta ka xarriiqday in isbeddel lagu sameeyay xisbiga ay hoggaamiso ee Narc Kenya.
Karua ayaa sheegtay in xafladda lagu soo bandhigaya xisbiga xoreynta dadweynaha ee (PLP) ay ka soo qayb geli doonaan ergo dhan 5,000 iyo xubnaha sare ee mucaaradka.
Waxay carrabka ku adkeysay in isbeddelka ay sameeyeen uu yahay mid la jaanqaadaya codbixiyeyaasha da’yarta ah.
Waxay intaasi ku dartay in ujeedkoodu uu yahay midnimo iyo xoreyn.
Martha Karua ayaa tilmaantay in ay garab siin doonaan da’yarta oo u muuqdo kuwo dhinac iskaga dhigaya siyaasadda ku saleysan qabyaaladda taasi beddelkeedana u ololeynaya isla xisaabtan iyo maamul wanaag.