Barasaabkii hore ee Migori oo bisha 4-aad iska difaaci doono dacwad la xiriirta dil

0
686

Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Migori Okoth Obado ayaa lagu wadaa inuu bisha Afaraad ee sanadkan iska difaaco dacwad lagu soo oogay taasi oo ku aaddan inuu ka dambeeyay dilkii Sharon Otieno.
Sharon ayaa xilligaasi dhiganaysay jaamacadda Rongo ee dowlad deegaankaasi.
Obado ayaa doodiisa maxkamadda u gudbin doono 23-ka ilaa 25-ka bisha April ee sanadkan.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ee (DPP) oo sheegay in Obado uu garsoore Cecilia Githua ku war geliyay qorshaha uu iskaga difaacaya eedeynta loo jeediyay oo uu xitaa diyaar u yahay in la dhaariyo si uu u caddeeyo in uunan dilkaasi ka dambeyn.