DHEGEYSO:Hay’adda Islamic Relief oo lacag dhan 1.8 milyan ugu deeqday haweenka Kilifi

0
94

In ka badan 100 haween ah oo ku nool ismaamulka Kilifi ayaa helay deeq lacageed oo dhan 1.8 milyan oo shillin.
Deeqday ayaa waxaa bixisay hay’adda Islamic Relief International Kenya si ay ugu taageeraan mashaariicda dakhli ee wax soo saarka.
Lacagahan oo lagu beegsanayo haweenka jilicsan ee loo abaabulay kooxo dhaqaale ayaa loogu talagalay in lagu kobciyo ganacsiyada yaryar iyo horumarinta hab-nololeedyada gobolka.
Kooxaha lacagta loo qaybiyay ayaa ku lug leeh howlo kala duwan, oo ay ku jiraan dhaqashada digaagga, adeegyada kiraynta guryaha iyo ganacsiyada tafaariiqda yar yar.
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray munaasabadda bixinta deeqda oo lagu qabtay Kilifi, Isuduwaha Goobta Islamic Relief Kenya, Axmed Cusmaan, ayaa sheegay in hindisahan uu qayb ka yahay dadaalka ballaaran ee ururka ee lagu xoojinayo haweenka iyo xoojinta dakhliga qoyska.
Cusmaan oo ay wehlineysay guddoomiye ku xigeenka dowlad deegaanka Kilifi, Flora Chibule, ayaa xusay in deeqdan ay haweenka u sahli doonto in ay ballaariyaan ganacsigooda, abuurista fursado shaqo, isla markaana ay wax ka tari doonto faqriga ka jira gobolka, oo ay weli ka jiraan caqabado dhaqaale oo waaweyn.
Waxaa uu ku ammaanay madaxda dowlad goboleedka sida ay uga qeyb qaadanayaan, isagoo xusay in awood siinta haweenka ay kaalin muhiim ah ka qaadato horumarinta bulshada.
Madaxda dowlad goboleedka ayaa bogaadiyay hindisaha, iyagoo ku nuux nuuxsaday in awood siinta haweenka ee dhanka dhaqaalaha ay muhiim u tahay horumarinta bulshada.
Qaar ka mid ah haweenka deeqdan ka faa’iidaystay ayaa warbaahinta la wadaagay farxadooda.