Dowladda dhexe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warbixin la xiriirta in dadkii horay u shaqeynayay ee howlgabka noqday loo diiday in ay ka faa’iidaystaan lacagaha lagu taageero waayeellada iyo qaybaha nugul ee bulshada ee loo yaqaano Inua Jamii.
Waxaa tani loo aaneeyay in lacagahan lagu bixinaya adeegga M-Pesa.
Hasa ahaate, waaxda badbaadinta bulshada iyo arrimaha waayeellada ee dalka ayaa warbixinta ku sheegtay mid aan sax ahayn oo marin habaabin ah.
Waaxdan ayaa hoosta ka xarriiqday in barnaamijkan uu u furan yahay dadka ay da’doodu tahay 70 sano iyo wixii ka sarreeya ee aan ka diiwaangashanayn barnaamij howlgabnimo oo dowladeed.
Sidoo kale , waxaa loogu tala galay qoysaska agoonta, carruurta nugul iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah .
Xoghayaha waaxda badbaadinta bulshada ee wasaaradda shaqaalaha ee dalka Joseph Motari ayaa sidoo kale difaacay sababta lacagahan loogu bixinaya adeegga M-Pesa oo uu ku tilmaamay qaabka ugu fudud ee ay waayeellada ku heli karaan dhaqaalahan.
Waxaa uu intaasi ku daray in 1.5 milyan oo qof ay lacagahan heleen hal toddobaad gudihiisa.
Home Wararka Kenya Dowladda oo beenisay in shaqaalaha howlgabka noqday aynan ka faa’iidaysan karin lacagaha...