Japan iyo Filibiin oo wada saxiixday iskaashi militari

0
312

Dowladaha Japan iyo Filibiin ayaa wada saxiixday iskaashi ay ku xoojinayaan wada shaqeyntooda dhanka howlaha difaaca.
Wasiirka gaashaandhigga ee Japan Gen Nakatani iyo dhiggiisa Filibiin Gilberto Teodoro Junior ayaa sheegay in ay maanta is-afgarad gaareen.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ay ku heshiiyeen wada xaajood istaraatiiji ah oo u dhexeynaya militariga labada waddan.
Sidoo kale , waxay ka wada shaqeyn doonaan hannaan uu heerkiisu sarreeya oo ku saabsan qalabka difaaca iyo iskaashiga tiknolojiyadda.