Waxaa isa soo taraya fariimaha hambalyada ah ee ay madaxda caalamka u dirayaan Friedrich Merz oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday dalka Jarmalka.
Siyaasigan ayaa ahaa musharraxii midowga CDU .
Mas’uuliyiinta u hambalyeeyay waxaa ka mid ah madaxa golaha Midowga Yurub Antonio Costa, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump , dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy , Xoghayaha Guud ee gaashaanbuurta NATO Mark Rutte , Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu , dhiggiisa Hungary Viktor Orban iyo kuwo kale.
Waxay ugu baaqeen inuu dhaqangeliyo isbeddellada lagama maarmaanka ah sida inuu soo dhiso dowlad loo dhan yahay iyo wanaajinta dhaqaalaha dalkaasi .