Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabillay wafdi ka socda boqortooyada Cummaan.
Waxaa wafdigan hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Injineer Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.
Waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo Tiknolojiyadda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay wafdiga ka socday Saldanadda Cummaan horumarrada ay gaartay Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, kuwaas oo faa’iido u leh labada dalba.
Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Cummaan Injineer Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali, ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa.
Wuxuu bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.