Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay inay iskaashadaan waaxyaha dowliga iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay .
Tani ayuu xusay in ay kaabi karto gaabadka machadyada lagu barto culuunta farsamada ee uu waddanka wajahaya.
Ogamba ayaa xusay in ay muhiim tahay maalgelinta kaabayaasha tababarrada duullimaadka si loo daboolo baahida jirta.
Waxaa uu ku baaqay in ay dowladda iyo shirkadaha gaarka ah ka wada shaqeeyaan sidii dalka looga hirgelin lahaa xarumaha lagu barto duullimaadka oo heer caalami ah.