Xildhibaannada UDA oo doonaayo in Chebukati loo sameeyo aas qaran

0
187

Xildhibaanka laga soo doortay koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Gabriel Kagombe ayaa ku baaqay in aas qaran loo sameeyo guddoomiyihii hore ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Wafula Chebukati.
Xilli uu shalay hadlaayay ayuu xildhibaankan ku nuuxnuuxsaday in Chebukati go’aankiisii adkaa ee doorashooyinkii guud ee 2017 iyo 2022-kii uu kaalin aasaasi ah ka qaatay ka hortagga rabshadaha ka dib doorashada, loona aqoonsado inuu yahay geesi.
Kagombe ayaa xusay in guddoomiyihii geeriyooday uusan oggolayn in cidna ay saameyn ku yeelato go’aamadiisa isaga oo u halgamaya xuquuqda dadka Kenyaanka ah, taas oo keentay in uu ka soo dhex muuqdo madaxdii isaga ka horreysay.
Wafula Chebukati ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii, wuxuuna soo kormeeray labada doorasho ee 2017 iyo 2022, xilligaasoo uu la kulmay caqabado dhowr ah ka hor inta uusan ka fariisan jagadii uu IEBC ka hayay 2023-ka.
Chebukati ayaa isbitaalka Nairobi ku geeriyooday Jimcihii, wax ka yar isbuuc ka dib markii la dhigay qeybta daryeelka degdegga ah ICU-da.