Macallimiinta qalin jabiyay ayaa rajo xumo ka muujiyay dib u dhaca ku yimid bixinta lambarrada shaqada eebareyaasha ee TSC.
Waxaa ay shaaciyeen in dib u dhaca ku yimid helista dokumentiyadan muhiimka ah ay keentay in qaar badan oo ka mid ah ay la daala -dhacayaan shaqo la’aan.
Arrintan ayay sheegeen xilli ay shalay la hadleen warbaahinta.
Macallimiinta ayaa sidoo kale, ku boorriyay guddiga addeega macallimiinta ee TSC inuu dib u eegis ku sameeyo muddada barashada shaqada ee hadda jirta oo laga dhigo wax ka yar sanad si loo yareeyo dhibaatooyinka shaqo ee ka jira dhanka waxbarashada.
Sida ay sheegeen macallimiinta qalin jabiyay, in ay shaqo barad noqdaan in ka badan hal sano waxaa ay ciriiri galisay noloshooda oo ay ku qasabtay qaarkood inay howshan joojiyaan ka hor intaysan helin shaqo rasmi ah.
Macallimiintan ayaa ku baaqay in la helo shaqo waqtigeeda ku habboon iyagoo sidoo kale ka codsaday dowladda in ay siiso mushaaraad sax ah, gaar ahaan kuwa gaaray heerarka waxbarashada sare.
Dalabkan ayaa imanaaya wax ka yar hal bil ka dib markii ay dowladdu ku dhawaaqday qorshe ay ku shaqaaleysiinayso 6,000 oo macallin oo dheeraad ah si ay gacan uga gaystaan hirgelinta Manhajka Ku-saleysan Kartida ee (CBC).