Maxkamadda racfaanka oo 26-ka bishan dhageysan doonto dacwad ku saabsan aqlabiyadda baarlamaanka

0
509

Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda racfaanka ee dalka ay 26-ka bishan Labaad dhageysato dacwad looga soo horjeedo go’aankii horay uga soo baxay maxkamadda sare.
Maxkamadda sare ee waddanka ayaa horay u go’aamisay in isbeheysiga mucaaradka ee Azimio uu leeyahay aqlabiyadda baarlamaanka.
Hasa ahaate , waxaa taasi gaashaanka u daruuray guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula oo sheegay in siyaasiyiinta ugu tirada badan ee golaha qaran ee xeer dejinta ay yihiin kuwa isbeheysiga dalka hoggaamiya ee Kenya Kwanza.
Dacwadda racfaanka ee ay gudbiyeen afar ka mid ah xildhibaannada xisbiga UDA oo uu hor kacaya hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah, ayaa waxaa dhageysan doono saddex garsoorayaal ah.
Siyaasiyiintan ayaa ku doodaya in go’aankii maxkamadda sare uu abuuray jahawareer ku saabsan isbeheysiga ugu tirada badan baarlamaanka.
Kimani Ichung’wah, Owen Baya, Sylvanus Osoro iyo Naomi Jillo Wako, ayaa maxkamadda racfaanka ka codsaday in ay soo saarto amar lagu hakinaya dhaqangelinta go’aankii 7-dii bishan.
Waxay ku doodayaan in haddii aan sidan la sameyn, in cawaaqib aan laga laaban doonin ay carqaladeyn karaan howlaha baarlamaanka.
Garsoorayaasha maxkamadda sare ee kala ah John Chigiti, Lawrence Mugambi iyo Jairus Ngaah ayaa horraantii bishan hoosta ka xarriiqay in guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula uu ku xadgudbay dastuurka 6-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii xilligaasi oo uu shaaciyay in Kenya Kwanza ay aqlabiyad ku leedahay golaha qaran ee xeer dejinta.
Xaakinnada ayaa Wetang’ula ku dhaliilay in 14 xubnood oo xisbiyo kale ka tirsan uu u aqoonsaday xubnaha Kenya Kwanza iyadoo aan la caddeyn.