Maxkamadda sare ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa xukun xabsi oo 35 sano ah ku ridday haweeney loo haysto in ay seygeeda dishay ka dib markii ay toorriyeysay.
Dorcas Ntinyari oo 25 sano jir ah ayaa ka takhalustay Felix Otieno oo ka mid ahaa shaqaalaha guriyaha dhiso.
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore Reuben Nyambati Nyakundi .
Xaakinka ayaa walaac ka muujiyay in ay kordheen shaqaaqooyinka qoyska ee guud ahaan waddanka.
Ntinyari oo ah hooyo dhashay labo gabdhood ayaa 8-dii bishii 11-aad ee sanadkii 2023-kii seygeeda ku dishay xaafadda Kipkaren estate ee deegaanka Kapseret oo ka tirsan ismaamulka Uasin Gishu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka dib muran soo kala dhex galay lamaanaha in ay xawadka mindi uga dhufatay oo uu isla goobta ku geeriyooday.
Dilka ayaa ka dhacay guriga walaasheed oo ay tagtay ka dib markii ay iyada iyo ninkeeda isku dhaceen.
Waxaa maxkamadda loo sheegay in ninka uu xaaskiisa ka daba tagay isagoo doonayay inuu soo qaato waxyaabo uu taleefoon ka mid yahay oo ay kala soo tagtay.
Ntinyari ayaa maxkamadda ka codsatay in loo naxariisto maadaama uu dilka dhacay xilli ay is difaacaysay balse taasi ayaan la tixgelin.