DHEGEYSO:Gachagua oo maanta soo bandhigay xisbi cusub

0
179

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa maanta soo bandhigay xisbi cusub oo loogu magacdaray Democracy for the Citizens Party loona soo gaabiyo DCP.
Xafladda shaacinta xisbigan ayaa ka qabsoontay xarunta dhexe ee uu ku leeyahay waddada Musa Gitau Road ee xaafadda Lavington ee ismaamulka Nairobi.
Gachagua ayaa horay u sheegay in isagoo kaashanaya saaxiibbadiisa siyaasadeed ay bishan Shanaad ee May shaaca ka qaadi doonaan xisbi ay doonayaan in sanadka 2027-da uu la wareego hoggaanka qaranka.
Waxaa uu intaasi ku daray in musharraxiin adeegsanaya xisbiga DCP ay u tartami doonaan jagooyinka siyaasadeed laga billaabo wakiillada deegaannada hoose ilaa iyo madaxweynaha.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii uu iska casilay xisbiga talada waddanka haya ee UDA oo uu ka tirsanaa.
Waxaa tallaabadan mid la mid ah qaaday wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha Mithika Linturi.
Xisbiga DCP ayaa waxaa hal-qabsi u ah in dadka la dhageysto wuxuuna Gachagua hoosta ka xarriiqay in aynan jiri doonin musharraxiin si toos ah loo soo xusho.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka kenyaanka ah ay yihiin kuwo caqli badan oo garanaya waxa ay doonayaan iyo qaabka la rabo in loo hoggaamiyo sidaasi awgeedna ay keliya u baahan yihiin in la dhageysto.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa tilmaamay in xisbigan iyo kuwa xulafada la ah ay qaban doonaan doorashooyinka isreeb-reebka .
Rigathi Gachagua ayaa xusay in muddo 6 bilood ah ay ku qaadatay inuu hooygiisa ku qabto wada tashiyo si loo qaabeeyo xisbiga.
Waxaa uu ku celceliyay in soo bandhigidda xisbiga DCP ay tahay mid looga duulaya baahida hoggaamineed ee ka jirta dalka si looga gudbo dhibaatooyinka ay maamul xumada ka midka tahay.
Waxaa xisbiga astaan u ah dhag-raaricin oo ay micnaheedu tahay dhageysi halka midibadiisa ay kala yihiin cagaar, guduud, caddaan iyo madow.
Waxaa ku xigeenka madaxa xisbiga DCP si ku meel gaar ah loogu magacaabay senatarkii hore ee ismaamulka Kakamega Cleophas Malala, halka guddoomiye looga dhigay David Mingati .
Wasiirkii hore ee beeraha iyo xanaannada xoolaha Mithika Linturi ayaa isna loo magacaabay xoghayaha qaran ee abaabulka ee xisbigan uu hoggaaminaya Gachagua.
Waxaa dhanka haweenka ee xisbiga hoggaaminaysa wakiilkii hore ee dumarka ee ismaamulka Laikipia Cate Waruguru.
Ku xigeenka guddoomiyaha xisbiga ee dhanka istaraatiijiyada waxaa laga dhigay xildhibaankii hore ee deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu Peter Mwathi.
Xoghayaha Guud ee DCP waa Hesbon Obanga ,Hannah Mutua (Qasnad-hayaha ), Andrew Kiplimo Muge (Agaasimaha doorashooyinka), Maina Kamanda (Guddoomiyaha golaha dadka caanka ah) , Alex Khamasi ( isku duwaha qaran ee ismaamullada ),Mercy Gakuya (Xoghayaha waxbarashada) Hussein Athmani( Xoghayaha dalxiiska ) halka John Maraga uu matalaya naafada.
Rigathi Gachagua ayaa sheegay inuu xisbigan si rasmi ah u daahfuri doono 4-ta bisha Lixaad ee June ee sanadkan ka hor inta aynan sameyn wacyigelin qaran wuxuuna dhammaan musharraxiinta ku boorriyay in ay iska diiwaangeliyaan.