Madaxweynaha dalka kenya oo sheegay in korontada loo xiriirin doono ugu yaraan 460,000 oo ku nool degmooyinka

0
417

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta sheegay in adeegga kaydka qaran ee korontada lagu xiriiriyay macaamiil dhan 1.2 milyan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshuhu uu yahay in ugu dambeyn sanadka 2026-da, korontada la gaarsiiyo 460,000 oo dheeraad ah.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli la saxiixayay mashruuca wanaajinta helidda adeegga korontada ee (KOSAP).
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in 63,000 oo ka mid ah 93,000 oo ah xarumo dadweyne lagu xiriiriyay korontada .
Waxaa tiradan qayb ka ah dugsiyada hoose dhexe ee dowladda oo gaaraya 22,900 .
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in sanad maaliyadeedkii hore la dhameystiray 1,071 oo ah mashaariicda xarumaha dowladda halka hadda gacanta lagu hayo 1,450 kale.
Waxaa maanta la saxiixay qandaraasyo uu qiimahoodu kor u dhaafaya 10 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha ayaa sheegay in 14 qandaraasyo ah lagu hirgelin doono xarumaha yar ee kaydka korontada si adeeggan loo gaarsiiyo ismaamullada Turkana, Marsabit, Samburu, Isiolo, Mandera, Wajeer, Garissa, Tana River, Lamu, Kilifi, Kwale iyo Narok .
6 qandaraas oo kale ayaa waxaa korontada loogu xiriirin doonaa isbitaallada dadweynaha oo dhan 343, dugsiyo iyo xafiisyada maamulka iyadoo la adeegsanaya awoodda cadceedda waxaana mashaariicdan ku baxaysa 438 milyan oo shilin.
Sidoo kale , waxaa marxaladaha qandaraas bixinta ee ugu dambeeya maraya 316 oo ah adeegga biyaha looga soo saaro ceelasha iyadoo la isticmaalaya awoodda cadceedda waxaana tani ku baxaysa 1.6 bilyan oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Kenya ay sanadka 2030-ka boqolkiiba boqol ku guulaysan doonto hirgelinta kaydka tamarta nadiifka ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ay jiraan qaybo ka mid ah Nairobi iyo Waqooyiga waddanka oo shacabka ku nool aynan haysan adeegga korontada wuxuuna ballan qaaday in arrimahan la xallin doono isagoo soo hadal qaaday barnaamijka ay dowladda ku dhisaysa guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo.