DHEGEYSO: Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya oo ka hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed

0
342

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay inuu si shakhsi ah u kormeeri doono mashaariicda dowladda ka hor inta aan la daahfurin si loo hubiyo in si buuxda loo maalgeliyo sidoo kalena lagu dhameystiro sidii loo qorsheeyay.
Arrintan ayuu Kindiki carrabka ku adkeeyay xilli uu hoggaamiyaasha ismaamulka Meru uu kula kulmay hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu xusay in tani looga gol-leeyahay in laga hor tago mashaariicda horumarineed ee ka dib marka la billaabo uu hakadka ku yimaado.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dhisidda waddada xiriirinaysa ismaamullada Isiolo iyo Mandera oo ah ilaa 750 kiilomitir lagu dhameystiri doono muddo ah labo sano iyo bar.
Waxaa uu tilmaamay in qandaraaslayaal gaaraya 11 la howlgeliyay si qorshahan loogu guulaysto.
Prof. Kithure Kindiki ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta ismaamulka Meru ku boorriyay in ay taageeraan dowladda talada haysa maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan ka faa’iidayn mucaaradnimo.

Waxaa uu horay wada tashiyo ula yeeshay madaxda dowlad deegaannada Embu, Taita Taveta, Kajiado, Tharaka Nithi, Isiolo, Samburu iyo Kiambu.
Kindiki ayaa ballan qaaday inuu labada bilood ee nagu soo aaddan gudahooda kula kulmi doono mas’uuliyiinta 39 ismaamul oo dheeraad ah.