Madaxda Xamaas oo ku shiraya Qaahira

0
801

Waxaa lagu soo warramayaa in mas’uuliyiinta ururka Xamaas ee dalka Falastiin uu kulan uga socdo caasimadda waddanka Masar ee Qaahira.
Dhexdhexaadiyaasha matalaya dowladaha Masar iyo Qatar ayaa isku dayaya inuunan fashilmin heshiiskii xabbad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.
Mid ka mid ah saraakiisha Xamaas oo lagu magacaabo Mahmoud Mardawi ayaa sheegay in ay jiraan astaamo wanaagsan oo muujinaya in Sabtida la siidayn doono 3 maxaabiis ah oo u dhashay Israa’iil.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil ay wacad ku martay in haddii aan maxaabiisteeda la siidayn ugu dambeyn 12-ka duhurnimo ee Sabtida in ay dib u billaabi doonto duullaankii militari ee Qaza.