Xisbiga Himilo Qaran oo ku baaqay in la dhageysto tabashooyinka shacabka ee canshuurta

0
354

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu ku sheegay inuu madaxda dowladda Federaalka ugu baaqaya in aan dhegaha laga fureysan Shacabka caasimadda Muqdisho oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa xusay in canshuurta qaarkeed ay tahay mid ka baxsan xeerarka maaliyadeed.
Canshuurtu waa waajib saarran muwaadinka Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa hay’addaha maaliyadda dowladda Federaalka looga baahan yahay inay la yimaadaan hannaan canshuur qaadis oo ka hufan musuqmaasuq, sad-bursi iyo awood sheegasho sharciga ka baxsan ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga Himilo Qaran.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu xusay in bulshada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho ay yihiin canshuur bixiyaasha ugu badan mana helaan adeeg dowladeed sidaas darteed waa muhiim in dareenkooda si dhab ah loo tixgaliyo.