Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad.
Waxay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh labada dal.
Madaxtooyada Villa Somalia ayaa qoraal ku sheegtay in labada hoggaamiye ay dul-istaageen xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo.
Tani ayaa looga gol-leeyahay xoojinta iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo yeeshay wada hadal dhanka taleefoonka ah