Madaxweynaha dalka kenya oo hoggaamiyaasha Afrika baaq u diray

0
261
Kenya's President-elect William Ruto speaks after the Supreme Court upheld his win in Nairobi, Kenya September 5, 2022. REUTERS/Monicah Mwangi

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha waddamada qaaradda Afrika ku boorriyay in ay qaataan go’aammo geesinnimo leh oo lagu dardargelinaya ka dhabeynta ajeendaha horumarineed ee sanadka 2063-da.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxda ay mas’uuliyad ka saaran tahay hagidda horumarka waara iyadoo loo ololeynaya oo la dhaqan gelinaya hiigsiga Agenda 2063.
Waxaa uu xusay in barnaamijkan uu awood u leeyahay in Afrika ay ku tallaabsato isbeddel wadareed.
Hasa ahaate, hoggaamiyaha Kenya ayaa caddeeyay in tani aan lagu haleeli karin rajo balse ay u baahan tahay go’aan iyo dhaqangelin aan laga laba-labeyn.
William Ruto oo arrintan ka sheegay kal-fadhiga 42-aad ee fogaal aragga ee wakaaladda horumarka Midowga Afrika iyo Iskaashiyada Cusub ee Horumarka qaaradda ee (AUDA-NEPAD) ayaa soo jeediyay in la uruuriyo raasimaalka lagama maarmaanka ah.
Waxaa uu madaxda kale ee Afrika kula taliyay in la xoojiyo maamul wanaaga oo la billaabo iskaashiyo horseedaya natiijooyin muuqda oo faa’iidooyin u leh shacabka ku nool qaaradda.
Kulanka waxaa guddoominayay madaxweynaha dalka Masar Cabdel-Fataax El-Sisi .
Sida laga soo xigtay Midowga Afrika , dhinacyada uu qorshaha horumarineed ee sanadka 2063-da uu diiradda saaraya waxaa ka mid ah sare u qaadidda dakhliga , shaqo abuurka , la tacaalidda saboolnimada , sinnaan la’aanta iyo gaajada, badbaadinta bulshada si gaar ah dadka qabo baahiyaha gaarka ah, adeegyo aasaasi oo tayo leh, hooy casri oo qiimo ahaan la awoodi karo, bulsho caafimaad qabta , isbeddel dhaqaale , xaqiijinta kobac dhaqaale oo waara oo loo dhan yahay, sare u qaadidda wax soo saarka iyo adkeysiga, ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha iyo tamarta , wanaajinta howlaha dekadaha iyo gaadiidka badda, helidda biyo dadka ku filan, dimuqraadiyadda , cadaaladda, ilaalinta xuquuqul aadanaha iyo sarreynta sharciga, awoodsiinta dhallinyarada, ilaalinta xuquuqda carruurta , ka shaqeynta nabad galyada iyo ka qayb gelinta bulshada sidoo kale u diyaar garowga iyo u adkeysiga musiibooyinka dabiiciga ah.